Hargaysa Oo Laga Daah-furay Mashruuca Maal-galinta Fikradaha Ganacsiga Ee Tony Elumelu Foundation

Hargaysa(HWN):-Munaasibada lagu daah-furayey  mashruuca maal-galinta fikradaha ganacsiga oo ay wado shirkad uu leeyahay maal-qabeen afrikaana  oo la yidhaahdo Tony Elumelu Foundation ayaa maanta lagu qabtay hotelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa.

Mashruucan maal-galineed oo loogu talo-galay dadyowga afrikaanka ah ee leh hal-abuurka ganacsiga ayaa socon doono muddo toban sannadood ah oo saddex ka mid ahi ay dhamaadeen, waxaana lagu maal-galin doonaaa lacag gaadhaysa 100-milyan oo dollar ,iyadoo looga go’leeyahay in ay ka  faaidaystaan dad gaadhaya toban kun oo qof oo la rabo in ay iyaguna sii shaqaaleysiiyaan dad gaadhaya hal milyan oo qof oo ku nool qaarada afrika oo ay Somaliland-na ku jirto read more