Hargaysa Oo Laga Daah-furay Mashruuca Maal-galinta Fikradaha Ganacsiga Ee Tony Elumelu Foundation

Hargaysa(HWN):-Munaasibada lagu daah-furayey  mashruuca maal-galinta fikradaha ganacsiga oo ay wado shirkad uu leeyahay maal-qabeen afrikaana  oo la yidhaahdo Tony Elumelu Foundation ayaa maanta lagu qabtay hotelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa.

Mashruucan maal-galineed oo loogu talo-galay dadyowga afrikaanka ah ee leh hal-abuurka ganacsiga ayaa socon doono muddo toban sannadood ah oo saddex ka mid ahi ay dhamaadeen, waxaana lagu maal-galin doonaaa lacag gaadhaysa 100-milyan oo dollar ,iyadoo looga go’leeyahay in ay ka  faaidaystaan dad gaadhaya toban kun oo qof oo la rabo in ay iyaguna sii shaqaaleysiiyaan dad gaadhaya hal milyan oo qof oo ku nool qaarada afrika oo ay Somaliland-na ku jirto

Munaasibada lagu shaacinayey daah-furka bilowga mashruucan maal-galineed oo ay dalka wakiil uga tahay shirkada Guul Group waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka socday dawlada ,shirkadaha ganacsiga,kuwa isgaadhsiinta, dad ka faaidaystay bilowgii mashruucan ,madaxda shirkada Guul Group iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii waxa munaasibadaasi ka hadlay Guuleed Haaruun Ibraahim oo ah Maamulaha Shirkada Guul Group oo wakiilka ka ah barnaamijkan waxaana uu ka waramay mashruucan ,waxa uu yahay iyo waxyaabaha ay shirkad ahaan qabtaan waxaana uu yidhi:-“shirkada guul group waxa ay ka shaqaysaa talo siinta ganacsiga iyo maal-gashiga waxa aanu ka shaqaynaa sidii Somaliland iyo Somalia loo soo maal-galin lahaa ,shirkadan aanu la shaqaynayno waxa la yidhaahdaa Tony Elumelu Foundation waa nin tijaara oo afrikaana oo nayjeeriya ah oo doonaya in afrika cagaheeda ku istaagto oo ay ka maaranto dad ajaaniba oo wax siinaya ,markaa in shaqo  la abuuro,shirkado la abuuro,fikirkeena aynu inagu maal-gashano oo is taageerno ayuu aaminsan yahay ninkani,markaa anaga ayuu na soo wakiishay guul group ahaan”.

Guuleed Haaruun Ibraahim isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharaxayaa tirada dadka fursad u heli kara in ay ka qayb-qaataan barnaamijkan sannad kasta waxaana uu yidhi mar kale:-“waxa markaas la doonayaa kun qof in sannad kasta la qaato, la tababaro , la siiyo maal 5000 oo dollar ah ,waxaana mashruucani soconayaa toban sanno ,saddex sanno ayaa markaas ina dhaafay ,toddobaa sanno waxa aynu doonaynaaa sannad kasta insha allah boqol qof ugu yaraan in ay ka qayb-qaataan,taasi waxa ay ku xidhan tahay dadkii ka qayb-qaadanayey iyo sida ay ula yimaadaan fikrado macquula oo meel mara insha allah”.

Jaamac Ibraahim Yaasiin oo ka mid ah laba qof oo reer Somaliland oo mashruucan hore uga faaidaystay ka dib markii uu sameeyey shirkad dhinaca beeraha ka shaqaysa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga waramay mashruucan iyo ujeedada laga leeyahay waxaana uu yidhi:-“mashruucani waxa uu bilaabmay sannadka 2018 waana wareegii afraad ,saddex wareeg oo ka horeeyey ayaa jiray,barnaamijkan waxa laga leeyahay afrika ,arinka loogu talo-galayna waxa uu yahay in afrika iyadu wax is tarto ,waxa loogu talo-galay oo kale lacag gaadhaysa boqol milyan ,waxa uu soconayaa muddo toban sanno ah oo noqonaysa ilaa 2024-ka ,iyadoo ay ka faaidaysanayaa dad gaadhaya toban kun oo qof ,tobankaa kun ee qofna in ay shaqaalaysiiyaan hal milyan, waxa ka qayb-galay 54 wadan oo la aqoonsan yahay balse labadii sannadood ee ugu dambeeyey Somaliland way ka qayb-gashay , da’da loogu talo-galay in ay ka qayb-galaan barnaamijkani waa in uu ka weynaado 18 jir u dhashay kuna nool afrika, haystana fikir ganacsi oo shaqaynaya”.

Cabdirisaaq Axmed Cabdi oo isna ah qofka labaad ee u dhashay Somaliland ee ku guulaystay mashruucan maal-galineed ee ay wado shirkada Tony Elumelu Foundation ka dib markii uu gudbiyey fikrad ganacsi oo ay ka dhalatay warshad soo saarta saabuunta dabiiciga ah oo madashaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa ka waramay sidii ay u guulaysatay fikradii ganacsi ee uu gudbiyey, qaabka ay u shaqayso warshada uu dalka ka hirgaliyey,tirada shaqaalaha ka haw-gala iyo meelaha uu gaadhsiiyey wax soosaarka warshadiisa, cabdirisaaq waxa uu sheegay in ay fududahay sida mashruucan loogu guulaysan karo haddii uu qofku gudbiyo fikrad ganacsi oo meel mari karta taas oo mar dambe dalka iyo dadkaba u noqonayso il dhaqaale iyo mid shaqo abuurba.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi hadal ka jeediyey Guddoomiye Ku Xiggeenka Rugta Ganacsiga Somliland Jamaal Caydiid Ibraahim, Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada u diyaar-growga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keyda Raashinka Axmed Muxumed Geele, Madaxa Arimaha Bulshada Shirkada Telesom Maxamed Cabdi, xubno ka socday Wasaaradaha Horumarinta Maal-gashiga iyo Beeraha waxaana ay dhamaantoodba iska daba-mareen faaidada uu mashruucani u yeelan doono dalka haddii sida uu yahay looga faaidaysto,iyagoo oo sheegay in ay wax cusub tahay in la arko maal-gabeen afrikaana oo maal-galinaya qaaradiisa,waxa ay soo jeediyeen si mashruucani u guulaysto in inta aanu bilaabin ka hor dadka lagu tababaro habka ay u gudbinayaa fikradahooda ganacsi si fursad ay u helaan dadka haya fikradaha ganacsi ee saxda ah.

Ugu dambayntii Sahra Axmed Xuseen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo-galinta, Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ka hadashay munaasibadaasi lagu shaacinayey mashruuca maal-galinta ee ay wado Tony Elumelu Foundation ayaa bulshada Somaliland ugu baaqday in ay ka faaidaystaan barnaamijan ,lana yimaadaaan fikrado ganacsi oo meel mara si dalku ugu aayo, Marwa sahra waxa ay sheegtay in wasaarad ahaan ay soo dhawaan barnaamijkan oo ah bay tidhi mid si gaara u khuseeya Somaliland ,maadaama oo uu shaqo abuur ka dhalanayo, waxa ay u mahadcelisay shirkada Tony Elumelu Foundation oo mashruucan maal-galinaysa iyo shirkada Guul Group oo iyaduna Somaliland wakiil uga ah mashruuca.

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Cabdicasiis Caydiid Cilmi(Yamani)

cabdicasiisyamani@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

 
Latest GG Tweets:

www.guulgroup.com    www.guulgroup.co.uk

Subscribe:


Do not miss out on the latest news and events from Guul Group


Copyright © Guul Group | All right reserved. | Privacy | Disclaimer